Xaaladda dalka Yemen ayaa gashay weji cusub oo xamaasad leh ka dib markii dowladda Yemen ay ku dhowaaqday inay gebi ahaanba ka baxday heshiiskii difaac ee kala dhexeeyey dalka Imaaraadka Carabta.
Hoggaanka dalka Yemen ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Imaaraadka ay muddo 24 saac gudahood ah kaga baxaan dhammaan dhulka Yemen, taas oo muujinaysa burbur ku yimid xiriirkii labada dhinac.
Tallaabadan ayaa timid saacado yar ka dib markii isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ay duqeeyeen maraakiib hub siday oo ka yimid Imaaraadka, kuwaas oo ku sugnaa dekadda Mukalla.




From the comments