U bood dhigaalka

Hardanka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dalka Yemen oo isku badelay xiisad Dublumaasiyadeed

Xiisad Dublumaasiyadeed oo sii xoogeysanaysa ayaa ka dhex qaraxday Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kaddib hardan saameyn ballaaran ku yeeshay xaaladda Yemen, iyadoo labada dhinac ay saacadihii la soo dhaafay is dhaafsadeen eedaymo culus oo ku saabsan jihada uu wajahayo dalkaasi colaadaha muddada dheer ku jiray.

Sacuudiga ayaa si adag u diiddan in Yemen uu u kala jabo laba maamul, gaar ahaan in gooni-ugoosadka Koonfurta Yemen ay ku dhawaaqaan maamul madax-bannaan, taas oo Riyadh u aragto mid halis ku ah midnimada Yemen iyo xasilloonida guud ee gobolka Carabta. Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in xal kasta oo Yemen laga gaaro uu ku dhisnaado midnimo qaran iyo dowlad dhexe oo awood leh.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u taageeraya Golaha Koonfurta Yemen (STC), oo dhowaan ku dhawaaqay inay ka laabteen midowgii labada Yemen ee dhacay sanadkii 1990-kii, islamarkaana ay doonayaan in Koonfurta Yemen ay noqoto maamul madax-bannaan. Arrintan ayaa si toos ah u sii hurisay khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee xulafada ku ahaa dagaalka Yemen.

Saacado ka hor, Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa duqeyn ka fuliyay gaadiid hub siday oo la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Imaaraadka, kuwaas oo ku sii jeeday deegaanno ay maamulaan gooni-ugoosadka Koonfurta Yemen. Duqeyntan ayaa loo arkaa farriin cad oo muujinaysa heerka cusub ee xiisadda u dhexeysa Riyadh iyo Abu Dhabi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in la macaamilka horumarrada iyo dhacdooyinka ugu dambeeyay ay tahay in lagu saleeyo mas’uuliyad, laguna shaqeeyo xog sugan oo la hubo, si looga hortago sii kordhinta xiisadda iyo isku dhac hor leh. Imaaraadku wuxuu ku baaqay in la joojiyo hadallada iyo tallaabooyinka keeni kara eskalaasyo militari oo halis ah.

Xiisaddan cusub ayaa imaanaysa xilli Yemen ay ku jirto xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran, isla markaana beesha caalamku ay ka cabsi qabto in khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu sii murjiyo dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in xal waara loogu helo colaadda Yemen.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in khilaafkan u dhexeeya labada dal uu muujinayo kala aragti duwanaansho qoto dheer oo ku saabsan qaabka mustaqbalka Yemen loo maamulayo, taas oo haddii aan si degdeg ah loo xakameyn, sababi karta burbur hor leh iyo xasillooni darro saameysa guud ahaan Geeska Carabta iyo Badda Cas.