Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ayaa shaaciyay inay duqayn xaddidan ka fuliyeen dekadda Mukalla ee gobolka Xadramuut ee dalka Yemen, iyadoo lala beegsaday hub iyo saanad milateri oo dibadda ka timid.
Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga (WAS) ayaa baahisay in weerarkan dhinaca cirka ah lala eegtay laba markab oo ka yimid dekadda Al-Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dekadda Mukalla soo galay iyagoon fasax ka helin hoggaanka isbahaysiga.
Maraakiibtan ayaa la sheegay inay damiyeen qalabkii lagala socday, ka dibna ay dekadda ka dejiyeen hub iyo gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidanka Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).




From the comments