Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey si uu kulan muhiim ah ula yeesho dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan.
Booqashadan taariikhiga ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo si gaar ah looga wadahadli doono arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo munaasabadda lagu soo bandhigayo qorshayaasha la xiriira soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto difaaca qaranimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo dowladda Turkigu ay tahay saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysta amniga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda iyo dhulka.




From the comments