Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan taageeridda madaxbannaanida, midnimada, amniga, xasilloonida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Yemen, iyadoo si cad u diiday tallaabo kasta ama faragelin kasta oo wiiqeysa midnimada Yemen ama sharciyadda dastuuriga ah iyo hay’adaha qaranka ee dalkaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dowladda sharciga ah ee Yemen, iyadoo ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay xal siyaasadeed oo nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Yemen, kaas oo ilaalinaya madaxbannaanida qaranka isla markaana ka jawaabaya hamiga shacabka Yemen ee ku aaddan amni, xasillooni iyo horumar.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka muhiimka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida Yemen iyo guud ahaan gobolka, iyo dadaalladeeda siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo bini’aadannimo ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Yemen, laguna yareeyo dhibaatada bani’aadannimo, isla markaana lagu taageero geeddi-socod nabadeed oo dhammeystiran oo waafaqsan tixraacyada heer gobol iyo heer caalami.




From the comments