U bood dhigaalka

​Kulamadii Labada Gole ee BFS oo u Baaqday Kooram La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

​Waxaa maanta si rasmi ah u baaqday kulamadii loo qorsheeyay in ay yeeshaan xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii la waayay kooramkii lagama maarmaanka u ahaa in fadhigu ku furmo.

Guddoonka baarlamaanka oo soo xaadiray madasha shirka ayaa ku dhowaaqay in kulanku uusan qabsoomi karin tirada xildhibaannada ee goobta joogay oo aad u yareyd awgeed.

Dib u dhaca ku yimid kulankan ayaa caqabad ku noqonaya ka doodista ajandayaashii muhiimka ahaa ee horyaallay labada gole, iyadoo sawirrada laga soo qaaday xarunta ay muujinayeen kuraas badan oo bannaan iyo guddoonka oo ku war geliyay intii soo xaadirtay in kulanku dib loo dhigay.