Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaqday go’aan cusub oo dib loogu dhigayo hirgelinta amarkii hore ee dhigayay in qof kasta oo u safraya dalka gudihiisa uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Go’aankan oo horey loo qorsheeyay inuu dhaqan-galo kowda bisha Janaayo ee sanadka 2026, ayaa hadda si rasmi ah loogu wareejiyay koowda bisha Maarso ee isla sanadkaan, si muwaadiniinta loo siiyo fursad ay ku dhamaystiraan qaadashada aqoonsiga.
Sababta ugu weyn ee tallaabadan loo qaaday ayaa ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo laga fogaanayo in caqabado dhanka socdaalka ah ay la kulmaan dadka aan weli helin aqoonsiga.




From the comments