Kooxo hubeysan ayaa maalintii koowaad ee sanadka cusub ee 2026 afduub u geystay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kaasoo lagu magacaabo Liao Dong Yu 578.
Markabkan ayaa la sheegay in lagu qabsaday meel u dhow xeebaha degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari, iyadoo dadka falkan geystay looga Shakisan yihiin inay yihiin burcad badeed doonaya inay lacag madax-furasho ah ka helaan shaqaalaha saaran markab.
Dhacdadan ayaa noqonaysa markii labaad oo isla markabkan lagu afduubto deegaannada Puntland, iyadoo bishii Nofeembar 2024 horay loogu qabsaday aaggan, laguna sii daayay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa malaayiin doollar bishii Janaayo 2025.




From the comments