Qarax xooggan ayaa lala eegtay gaadiid galbinayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo gudaha magaaladaas.
Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigay, kaas oo qabsaday mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah ee qaybta ka ahaa ilaalada madaxweynaha.
Waxa uu qaraxan sababay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada madaxweynaha, in kastoo aan ilaa hadda la soo werin khasaare dhimasho ah oo rasmi ah.




From the comments