U bood dhigaalka

War Deg Deg Ah: Golaha Ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen oo ku dhowaaqay dowlad madax-bannaan

Sheeko:War

​Hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydarus Al-Zubaidi, ayaa ku dhowaaqay go’aan taariikhi ah oo ku saabsan masiirka gobolkaas, isagoo shaaca ka qaaday inay Koonfurta Yemen noqonayso dowlad madax-bannaan.

Al-Zubaidi waxa uu xusay in muddo laba sano ah oo ku-meel-gaar ah lagu shaqayn doono, taas oo gogol-xaar u noqon doonta dhismaha dowlad dhamaystiran oo ka madax-bannaan qaybaha kale ee dalka Yemen.

​Go’aankan ayaa sidoo kale dhigaya in dadka ku nool Koonfurta Yemen laga qaadi doono afti dadweyne si ay u go’aansadaan mustaqbalkooda iyo madax-bannaanida rasmiga ah.

Golaha STC, oo taageero weyn ka hela dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa muddo dheer u taagnaa gooni-u-goosadka koonfurta, iyadoo tallaabadan cusub ay dadka qaar u arkaan mid wax weyn ka beddeli doonta khariidadda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Bariga Dhexe.