Qaraxyo waa weyn oo ka dhacay Caasimadda dalka Venezuela ee Caracas
Caasimadda dalka Venezuela ee Caracas ayaa lagu soo warramayaa inay ruxeen qaraxyo xooggan xilli hore oo saaka oo Sabti ah (3-da Janaayo, 2026), taas oo dhalisay xaalad deganaansho la’aan ah iyo cabsi ballaaran oo soo wajahday dadka deegaanka.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), ugu yaraan toddobo qarax ayaa laga maqlay gudaha magaalada abaara 2-dii habeenimo ee xilliga dalkaas.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen diyaarado militari oo si hoose u duulaya hawada caasimadda, halka qiiq madowna uu ka kacyay agagaarka garoonka diyaaradaha ee La Carlota.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxaysa dawladda Madaxweyne Nicolas Maduro iyo dowladda Maraykanka ee uu hoggaaminayo Donald Trump.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Maraykanka ayaa kordhiyay hawlgallada ciidan ee ka dhanka ah doonyaha iyo maraakiibta uu ku eedeeyay inay daroogada u kala gudbiyaan gobolka, waxaana jiray weerarro dhanka cirka ah oo loola tirsaday goobo ku yaalla gudaha Venezuela.
Qaybo ka mid ah koonfurta Caracas, oo ay ku yaallaan saldhigyo militari oo muhiim ah, ayaa korontadu ka go’day isla markii ay qaraxyadu dhaceen, taas oo sii kordhisay dareenka ah inuu jiro hawlgal ciidan oo qorsheysan.
Inkasta oo dowladda Venezuela aysan weli soo saarin war rasmi ah, Madaxweyne Maduro ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal, balse uu ka digay wax uu ugu yeeray “daandaansi dagaal” oo uga imaanaya dhanka Washington.
Xaaladda Caracas ayaa hadda ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka qaar ay bilaabeen inay isaga baxaan guryahooda iyagoo u cararaya goobo ammaan ah, halka caalamkuna uu isha ku hayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan labada dhinac.