U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo Meel-mariyey Heshiisyo iyo Xeerar Muhiim u ah Horumarinta Badaha Soomaaliya

​Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada oo lagu meel-mariyey qodobo muhiim u ah mustaqbalka gaadiidka badda iyo kobaca dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Golaha ayaa ansixiyey heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya Hay’adda Guud ee Gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiiddka Badda, kaas oo xoojinaya xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka farsamada badda.

​Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa meel-mariyey Xeerka Dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha iyo Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababarka, Shahaado Siinta iyo Ilaalinta Badmaaxiinta ee 1978.

Tallaabooyinkan ayaa ujeedkoodu yahay dhismaha iyo tayeynta hay’ad qaran oo soo saarta xirfadlayaal badeed oo tayo leh, iyadoo isla markaana la hubinayo in badmaaxiinta Soomaaliyeed ay helaan tababar iyo shahaadooyin la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, taas oo u fududaynaysa inay ka shaqeeyaan fagaarayaasha caalamiga ah.

​Dadaalladan ballaaran waxay qeyb ka yihiin qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekadaha iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan-Qaran ee lagu hirgelinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Waxay sidoo kale muhiim u yihiin horumarinta danaha qaranka, kobcinta dhaqaalaha, iyo sare u qaadista kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku leedahay ganacsiga iyo gaadiidka badda ee gobolka iyo caalamka.