Trump ma waxa uu doonayaa inuu Tillaabo lamid ah middii Nicolas Maduro ka qaado Madaxweynaha Colombia?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar af ku qaaday dhiggiisa Colombia, asagoo si adag u dhaliilay Gustavo Petro, islamarkaana ku eedeeyay musuq, hoggaan xumo iyo ku lug lahaanshaha daroogada loo soo tahriibiyo Mareykanka.
“Colombia waa dal aad u daciifa, waxaana maamula nin xanuunsan oo jecel daroogadda cocaine-ka inuu u soo iib-geeyo Mareykanka,taasina muddo dheer ma sii socon doonto, haddii aan runta idin sheego.” ayuu yiri Madaxweyne Trump
Hadalkan ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira in Trump uu qorsheynayo inuu Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ka qaado tallaabooyin adag oo la mid ah middii uu dhowaan ka qaaday hoggaamiyaha Venezuela Nicolas Maduro, oo Mareykanku ku eedeeyay dambiyo la xariira daroogo iyo sharciyad darro.
Trump iyo Petro ayaa muddooyinkii dambe si weyn isku hayay, iyadoo khilaafkooda uu si gaar ah u sii xoogeystay kaddib markii Madaxweyne Gustavo Petro uu khudbad kulul ka jeediyay fadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu si cad ugu cambaareeyay Israa’iil iyo Mareykanka dagaalka Gaza, isla markaana uu taageero buuxda u muujiyay shacabka Falastiin.
Sidoo kale, Madaxweyne Petro ayaa bilo ka hor bannaanbaxyo maamulka Trump lama filaan ku noqday uga qeyb-galay magaalada Newyork, taas oo keentay in si degdeg ah looga noqdo Fiisaha Mareykanka, balse waxa uu sheegay xilligaas inuu Mareykanka mar kasta soo geli karo oo aan cidina ka celin karin, maadaama uu haysto passport-ka dalka Talyaaniga.
Dhankiisa, Trump ayaa dhowaan sheegay in Madaxweynaha Colombia uu toos ah ugu lug leeyahay daroogada cocaine ee laga soo geliyo Mareykanka, eedeyntaasi oo aan weli lagu soo bandhigin caddeyn rasmi ah, balse si weyn u dhalisay dood siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed.
Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay musaafuriyay kumannaan muwaadiniin Colombian ah, kuwaas oo badankood lagu eedeeyay inay ku joogeen dalka si sharci darro ah ama ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira tahriibinta daroogada, arrintan ayaana iyaduna noqotay mid kale oo sii xumeysay xiriirka Bogotá iyo Washington.
Madaxweynaha Colombia oo si kulul uga jawaabay hadalladii ugu dambeeyay ee Trump, ayaa sheegay in Trump haddii uu isku dayo inuu xabsiga dhigo uu si weyn u diido doono tillaabadaas, asagoo eedeymihiisa ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan oo lagu raadinayo marmarsiyo lagu farageliyo Colombia.
Si kastaba ha ahaatee marka la eego tillaabo uu Mareykanku ka qaaday Nicolas Maduro, faragelin militari oo ay Washington ku samayso Colombia iyo Cuba ayaan ahayn wax lama filaan ah.