U bood dhigaalka

Xoojinta Isbaheysiga Muqdisho iyo Riyadh: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga ka dib taageeradii isbaheysiga Yemen

Sheeko:War

Magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hadda noqotay barta ay ku dhowdahay indhaha siyaasadda gobolka, ka dib markii ay halkaas gaareen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ah booqasho weyn oo uu halkaas ku tegi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa durba ku sugan dalka Sacuudiga, halkaas oo ay ka wadaan wada-hadallo heer sare ah oo loogu gogol-xaarayo imaanshiyaha Madaxweynaha oo la filayo saacadaha soo socda.

Safarkan is-daba-joogga ah ee madaxda qaranku ku tegayaan Riyadh ayaa muujinayay isbeddel ballaaran oo ku yimid jihada dibloomaasiyadeed ee dalka iyo xoojinta isbaheysiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Dhaqdhaqaaqan heerka sare ah ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah ka dib markii ay dowladda Soomaaliya si cad u muujisay inay taageersan tahay isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ee ku aaddan arrimaha dalka Yemen.

Taageeradaas oo lagu sifeeyey mid mug leh, ayaa muujinaysya in Muqdisho ay qaadatay go’aan ku aaddan inay qayb firfircoon ka noqoto nidaamka amniga gobolka, gaar ahaan ilaalinta marin-biyoodka Badda Cas iyo ka hortagga khataraha ka dhanka ah xasilloonida dalalka Carabta.

U-soo-dhowaanshaha rasmiga ah ee ay Soomaaliya u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale loo arkaa mid looga jawaabayo loollanka adag ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo Villa Somalia ay raadinayso xulafo xooggan oo gacan ka siiya ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ku soo idlaato heshiisyo dhinacyo badan leh oo saameyn doona mustaqbalka iskaashiga dhaqaale iyo midka ammaan ee u dhexeeya labada dawladood.