Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dagaal xooggan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ka qarxay deegaanka Taaroge.
Iska horimaadkan oo u dhexeeya kooxaha hubeysan ee ka soo kala jeeda degmooyinka Goldogob iyo Bandiiradley ayaa yimid ka dib markii uu salka ku hayay muran la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceelal biyo ah oo ku yaalla agagaarka deegaankaas.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in la maqlayo dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan, taas oo abuurtay cabsi weyn iyo barakac ay billaabeen dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan aagga uu dagaalku ka socdo.




From the comments