Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Greenland ay kamid noqato dalkiisa, hadalkaas oo ay xeeldheereyaashu ku fasireen in Washington ay qorshaynayso inay xoog ku qabsato is maamulkan sharci ahaan ka tirsan Denmark.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa ka digtay in haddii Mareykanku isku dayo inuu xoog ku qabsado jasiiradda Greenland, taasi ay ka dhigan tahay dhammaadka isbahaysiga milatari ee NATO.
Hadalkan ayaa imanaya xilli dunidu ka walaacsan tahay saameynta weerarkii milatari ee Mareykanku dhowaan ku qaaday Venezuela iyo afduubka hoggaamiyihiisa Nicolas Maduro iyo xaaskiisa.




From the comments