Golaha Madaxtooyada Yemen oo xilkii ka qaaday Caydaruus Al-Zubeydi iyo warar sheegaya inuu doon ku yimid Soomaaliya
Golaha Hoggaanka Madaxtooyada ee dalka Yemen ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah xilkii uga qaaday hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Caydaruus Al-Zubeydi iyadoo isla markaana dacwad lagu soo oogay loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas.
Go’aankan culus ayaa yimid kaddib markii isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu horkacayo ay soo saareen bayaan ay ku xaqiijinayaan in Zubeydi uu si dhuumaaleysi ah uga baxsaday magaalada dekadda leh ee Cadan taas oo dhalisay shaki weyn oo ku saabsan halka uu ku dhuumanayo.
Warbaahinta caalamiga ah ee Carabta ayaa baahiyay xog ku saabsan in hoggaamiyahan uu magaalada Cadan uga baxsaday doon dheereeysa oo uu ku dhex maray biyaha Gacanka Cadmeed isagoo u soo jiheystay dhanka xeebaha dalka Soomaaliya.
Inkastoo aan si rasmi ah loo cayimin goobta uu ku wajahan yahay haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu doonayo inuu gudaha Soomaaliya ka raadsado marin ammaan ah ama gabaad uu kaga badbaado cadaadiska kaga imaanaya isbahaysiga Carabta iyo dawladda Yemen.
Tallaabadan ayaa muujinaysay burbur weyn oo ku yimid isbahaysigii ka jiray koonfurta Yemen iyo khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee dalkaas.
Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dawladda Soomaaliya oo ku aadan sheegashadan la xiriirta inuu hoggaamiyaha STC-ga u soo baxsaday dhankooda, balse xaaladda ayaa ah mid aad loo dhowrayo iyadoo ay suurtagal tahay in dhacdadan ay saameyn weyn ku yeelato amniga iyo siyaasadda marin-biyoodka muhiimka ah ee u dhaxeeya labada dal.