Muxuu yahay ninka ay Reer Galbeedku sida weyn u taageerayaan ee xuddunta u noqday kacdoonka ka socda Iiraan ?
Mudaaharaadayaasha kacdoonka ka wada Iran qaar kamid ah ayaa dhowaan ku baaqay in uu dalka ku soo laabto Reza Pahlavi, wiilka Shaahii ugu dambeeyay ee Iiraan, kaas oo hadda ku sugan dibedda dalka.
Taageerayaashu waxay u arkaan inuu noqon karo xuddun mideysa dadka raba in dalka dib loogu soo celiyo hannaankii boqortooyadii ee Iiraan, ayadoo asaga laftiisu uu dadka ku dhiiri-geliyay in waddooyinka ay ku soo baxaan si nabad ah oo ay u muujiyaan rabitaankooda, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka isbeddelka ee reer Galbeedka ay gadaal ka riixayaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalmaha ka hor ninkan ugu yeeray dhaxal-sugaha Khasriga Daa’uuska ee Iiraan, mar uu ka hadlayay bannaanbaxyada xooggan ee dalkaas ka socda, kuwaas oo khasaare nafeed iyo burburba sababay.
Reza Pahlavi waxaa tan iyo dhalashadiisii loo diyaariyay inuu noqdo dhaxal-sugaha Khasriga Daa’uuska, oo muddo dheer looga arrimin jiray Iiraan, balse kacaankii 1979-kii ayaa meesha ka saaray boqortooyadii aabbihiis uu hoggaanka u hayay, asagoo xilligaas ku jiray tababar duuliyenimo diyaaradaha dagaalka ah oo uu ka helay dalka Maraykanka.
Aabbihiis, oo xiriir dhow la lahaa dalalka reer galbeedka, ayaa sanadkii 1980-kii oo ah sanad ka dib markii xilka laga tuuray cudurka kansarka ugu geeriyooday dalka Masar, taasoo keentay in Reza Pahlavi uu dibedda ku noolaado muddo dheer, isagoo la socday xaaladda siyaasadeed ee Iiraan.
Mudaaharaadyada hadda socda ayaa ah kuwo muujinaya rabitaan isbadel oo xooggan, ayadoo uu muuqdo dedaalka ay reer Galbeedku ku doonayaan inay meesha uga saaraan kacaanka Islaamiga ah, islamarkaana ay talada gacanta ugu geliyaan nidaamkii xulufada lahaa ee reer Shah.