U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Isbitaallada Iran oo Buux dhaafay iyo banaanbaxyadda oo sii xoogeystay

Shaqaalaha saddex isbitaal oo ku yaalla dalka Iiraan ayaa sheegay in xarumahooda caafimaad ay buux dhaafiyeen bukaanno dhintay ama dhaawacmay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada waaweyn ee looga soo horjeedo dowladda.

Dhakhtar ka howlgala mid ka mid ah isbitaallada magaalada Teheran ayaa sheegay in ay arkeen xaalado aad u daran, isagoo xusay in “dad aad u yar yar si toos ah looga tooganayey madaxa iyo wadnaha.”

Dhakhtar kale ayaa isna xaqiijiyey in isbitaal indhaha ku takhasusay oo ku yaalla caasimadda uu galay xaalad degdeg ah, kaddib markii tiro badan oo dhaawacyo culus ah halkaas la geeyay.

Laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay daweeyeen dad qaba dhaawacyo ka dhashay rasaas nool iyo rasaas budo ah labadaba, taas oo muujinaysa in awood milatari si xooggan loo adeegsaday inta ay socdeen mudaaharaadyadu.

Dowladda Mareykanka mar kale ku celisay digniin ay horay u jeedisay, iyada oo sheegtay in dilka mudaaharaadayaasha looga jawaabi doono tallaabooyin ay ku jiraan fal milatari.

Dowladda Iiraan ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkaas, waxayna Mareykanka ku eedeysay inuu faragelin ku sameynayo arrimaha gudaha, isla markaana uu mudaaharaadyada nabdoon u beddelay waxa ay ku tilmaantay “falal rabshado iyo burbur baahsan.”

Xaaladda guud ee dalka Iiraan ayaa weli kacsan, iyadoo mudaharaadyadu sii socdaan, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la joojiyo rabshadaha laguna ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah.