Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Itoobiya, Mudane Ridwaan Xuseen, ayaa saaka safar aan hore loo sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulammo gaar ah kula yeeshay Taliyaha Hay’adda NISA iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ridwaan Xuseen uu waday farriin rasmi ah oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, taas oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka, gaar ahaan xiriirka labada dal iyo isbeddellada soo kordhay ee Geeska Afrika.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta wada-shaqeynta sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale laga hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karaan go’aannadii ugu dambeeyay ee caalamiga ah.




From the comments