U bood dhigaalka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ku sii jeeda Laascaanood

Sheeko:War

Muqdisho – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wafdigan oo heer sare ah ayaa isugu jira xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay ka qeybgalka arrimo la xiriira xaaladda guud ee maamulka, amniga iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka socda gobolka.

Inta ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, wafdiga ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan madaxda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga wada hadlaan xoojinta wada-shaqeynta heer federaal iyo mid dowlad-goboleed, hirgelinta nidaamka federaalka iyo adkeynta midnimada dalka.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto xasilinta deegaannada, dhiirrigelinta nabadda iyo horumarinta wada-hadalka bulshada, si loo helo maamul waara oo ku dhisan is-afgarad iyo midnimo qaran.