Magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn u soo dhaweysay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaban-qaabada soo dhaweynta ayaa ahayd mid heer sare ah, iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, saraakiil amni, iyo qaybaha bulshada ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan ayaa horey u gaaray Laascaanood, iyagoo diyaarinaya goobaha lagu soo dhaweyn doono Madaxweynaha, sidoo kalena ka qeyb qaadanaya abaabulka iyo isku dubaridka munaasabadda.




From the comments