Justin Davis oo Loo Magacaabay Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
Sheeko:War
Justin Davis, oo horey u ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa lagu xaqiijiyay qoraal kooban oo ka soo baxay U.S. Embassy Mogadishu, iyadoo la tilmaamay in Davis uu sii wadi doono xiriirka iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanka ayaa ka mid ah meelaha sida weyn isha lagu hayay qofka loo soo magacaabi doono maadaama Soomaaliya ay ku jirto Xilli kala guur ah.