MUQDISHO – Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale qarka u saaran yahay inuu xirmo.
Sida ay Goobjoog xaqiijiyeen ilaha lagu kalsoonaan karo , maamulka Safaaradda Imaaraadka ayaa ku wargeliyay maamulka isbitaalka in adeegyadii caafimaad ee halkaas ka socday la joojin doono.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay hakisay heshiisyo muhiim ah oo ay la lahayd Imaaraadka Carabta, taas oo saameyn toos ah ku yeelanaysa adeegyada caafimaad ee bulshada.




From the comments