Trump ayaa xalay warqad u diray Madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi, isagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha Mareykanka ee dhexdhexaadinta Masar iyo Itoobiya, si loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo ku saabsan biyaha Wabiga Niilka.
Warqadda uu Trump diray ayaa lagu xusay in, marka laga duulayo saaxiibtinimada labada dal iyo ballan-qaadka Mareykanka ee nabadda iyo daryeelka shacabka Masar, Washington ay diyaar u tahay inay dib u bilowdo doorkeeda dhexdhexaadinta si si masuuliyad leh loo xalliyo muranka taagan.
Trump ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay si buuxda u fahamsan yihiin muhiimadda istiraatiijiga ah ee Webiga Niilka u leeyahay Masar, Suudaan iyo Itoobiya, isla markaana ay doonayaan in la gaaro xal waara oo hubinaya baahiyaha biyaha mustaqbalka fog ee saddexda dal.




From the comments