Kooxaha samatabixinta dalka Indonesia ayaa Axaddii helay burburka diyaarad yar oo la rumeysan yahay inay ku dhacday dhul buuraley ah, iyadoo ay saarnaayeen 11 qof, xilli ay ku wajahneyd gobol buuro leh oo ku yaalla jasiiradda Sulawesi.
Diyaaraddan oo nooca ATR 42-500 turboprop ah, kana tirsaneyd shirkadda Indonesia Air Transport, ayaa Sabtidii ka baxday magaalada Yogyakarta ee jasiiradda Java, kuna sii jeeday Makassar, caasimadda gobolka Koonfurta Sulawesi, balse Diyaaradda ayaa la waayay xiriirkeedii radar-ka xilli ay jireen daruuro cufan iyo cimilo adag.
Madaxa xafiiska samatabixinta Makassar, Muhammad Arif Anwar, ayaa sheegay in koox gurmad ah oo saarnaa helikobtar militari ay subaxnimadii Axadda arkeen wax u eg daaqad yar oo diyaarad ah, taasoo taallay kayn ku dhow buurta Mount Bulusaraung.




From the comments