Dawladda Suuriya iyo xoogagga Kurdiyiinta oo gaaray heshiis Xabbad-joojin ah
Ciidamada dawladda Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta inta badan waqooyi-bari dalka, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF) oo ay hoggaaminayaan Kurdiyiintu.
Horumarkan ayaa yimid kadib heshiis xabbad-joojin ah oo labada dhinac kala saxiixdeen, kaas oo lagu soo afjaray weerarro degdeg ah oo SDF lagaga riixay dhul ballaaran.
Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta la kulmo hoggaamiyaha SDF Mazloum Cabdi (Mazloum Kobani), kaddib markii kulan hore uu u baaqday sababo la xiriira cimilada.
Heshiiskan cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah mideynta dalka, balse sidoo kale wata caqabado siyaasadeed iyo amni.
Sida ku cad heshiis ka kooban 14 qodob, ciidamada SDF waxay oggolaadeen inay ka baxaan saddex gobol oo muhiim ah: Raqqa, Deyr-Alsuur, iyo Xasaka.
Gobolladan ayaa hadda si rasmi ah hoos imanaya taliska ciidanka Suuriya, ayadoo Dowladdu ay ballanqaadday in adeegyada aasaasiga ah la gaarsiin doono dhammaan muwaadiniinta, iyadoo aan loo eegin goobta ay ku sugan yihiin.
Wasiirka Maamulka Gobollada Suuriya, Mohammed Anjrani, ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha gobollada Raqqa iyo Hasakah ay ka qayb geli doonaan shir degdeg ah oo looga hadlayo dib-u-soo-celinta adeegyada, kaddib dagaalladii saameeyay kaabeyaasha nololeed ee gobolka.