In ka badan 200 oo Muhaajiriin ah oo laga sii daayay xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla Kufra
Hay’adaha amniga ee dalka Liibiya ayaa Axaddii sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo muddo dheer ku xirnaa xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur-bari dalkaas.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo muhiim ah dadka la sii daayay ayaa u badnaa Afrikaan ay Soomaali ku jirto.
ciidanka ammaanku waxa ay heleen xabsi dhulka hoostiisa ku yaalla, kaas oo dheerkiisu gaarayay ku dhowaad saddex mitir.
Xabsigan ayaa la sheegay in uu maamulayay nin u dhashay Liibiya oo ku lug lahaa ka ganacsiga dadka, inkastoo ilaa hadda aan la soo qaban.
Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah muhaajiriinta la sii daayay ay ku xirnaayeen qolalka dhulka hoostiisa ah muddo gaareysa ilaa laba sano, iyaga oo la kulmay dhibaatooyin nafsi iyo jir ahaaneed oo aad u daran.
Hawlgalkan ayaa yimid kadib weerar ay ciidamada ammaanku ku qaadeen xabsi qarsoodi ah oo ku dhex yaalla magaalada Kufra, halkaas oo laga helay dhowr qol oo dhulka hoostiisa ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu xiro muhaajiriinta, xaaladdooduna ay ahayd mid aad u liidata.
Arrintan ayaa mar kale iftiimisay halista iyo dhibaatooyinka daran ee ay la kulmaan muhaajiriinta sharci-darrada ah ee mara waddooyinka tahriibka ee Liibiya, oo muddo dheer loo arkayay marin khatar ah oo ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.