Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam Ali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Safiirka Suudaan ayaa mar kale adkeeyey taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyey Soomaaliya guusha doorashooyinka deegaannada ee qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay la qabtay 57 sano kadib.




From the comments