Wiilka Museveni oo u Hanjabay Bobi Wine kaddib Doorashada Muranka Dhalisay ee Uganda
Wiilka Madaxweynaha Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa hanjabaad culus u jeediyay hoggaamiyaha mucaaradka Uganda iyo musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga NUP, Robert Kyagulanyi Ssentamu oo loo yaqaan Bobi Wine, kaddib doorashadii dalkaas ka dhacday toddobaadkii hore oo muran xooggan dhalisay.
Hanjabaaddan ayaa timid maalmo un kaddib markii Madaxweynaha hadda talada haya Yoweri Museveni, oo 81 jir ah, lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay xilka madaxtinnimada markii toddobaad.
Mucaaradku waxay ku tilmaameen doorashada mid aan caddaalad ahayn, iyagoo ku eedeeyay guddiga doorashada in codad la musuq-maasuqay, islamarkaana la baalmaray hannaankii saxda ahaa iyo hufnaantii doorashadaas.
General Muhoozi Kainerugaba ayaa bartiisa X (Twitter) ku qoray hadallo aad u kulul, isagoo ku eedeeyay Bobi Wine iyo taageerayaashiisa inay yihiin argagixiso, wuxuuna sidoo kale sheegay in ciidamadu dileen xubno ka tirsan NUP tan iyo maalintii doorashada, isla markaana uu Bobi Wine siinayo 48 saacadood inuu isku soo dhiibo booliiska, haddii kalena loola tacaali doono sida fallaago.
Dhankiisa, Bobi Wine oo wareysi siiyay warbaahinta, ayaa sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya musuq-maasuq doorasho, oo ay ka mid yihiin muuqaallo uu sheegay inay marag u yihiin shaqaale ka tirsan guddiga doorashada oo waraaqaha codbixinta u buuxinaya dhinaca Museveni.
Si kastaba, afhayeen u hadlay Guddiga Doorashada Uganda ayaa diiday inuu ka hadlo eedeymahaas, ayadoo
Bobi Wine la xaqiijiyay inuu galay is-qariin, isagoo ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay weerareen gurigiisa isla markaana ay isku dayeen inay qabtaan.
Ciidamada Uganda ayaa beeniyay eedeymahaas, halka aan ilaa hadda la ogeyn halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha mucaaradka oo dhawr horay loo xiray xilliyo doorasho oo kala duwan.