Xiisad Dibloomaasiyadeed oo ka dhalatay fariimo qarsoodi ah oo laga helay Donald Trump iyo Madaxda Yurub
Dunida dibloomaasiyadda ayaa maanta kacsan ka dib markii la baahiyay fariimo qoraal ah oo lagu sheegay inay dhex mareen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muhiimsan qaaradda Yurub, kuwaas oo muujinaya khilaaf baaxad leh oo salka ku haya abaalmarinta Nobel Peace Prize iyo qorshihii muranka dhaliyay ee iibsashada Greenland.
Wararka ayaa sheegaya in Donald Trump uu fariin kulul u diray Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, isagoo ku dhaliilay guddiga abaalmarinta Nobel Peace Prize inay u diideen aqoonsigaas.
Trump ayaa la sheegay inuu qoraalkiisa ku yiri “maadaama aan nabad lagu ixtiraamin, hadda ka dib mas’uuliyad nagama saarna inaan ka fekerno nabadda oo kaliya,” taas oo loo fasirtay hanjabaad ka dhan ah nidaamka xasiloonida caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si kulul uga jawaabay fariimo uu Trump ku baahiyay barta Truth Social, kuwaas oo muujinayay wada hadal dhex maray labada madaxweyne oo ku saabsanaa Greenland iyo qorshe Trump uu doonayay in Ruushka dib loogu soo celiyo tartanka G7.
Macron oo ka hadlayay shirka Davos ayaa Trump ku tilmaamay “cagajugleye” (Bully), wuxuuna ka digay in dunidu ay ku jirto marxalad sharcigii caalamiga ahaa lagu tumanayo, isagoo carrabka ku adkeeyay inaan la aqbali karin in caalamku u gudbo nidaam uu xooggu ka sarreeyo sharciga.
Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro jahawareer dhanka dibloomaasiyadda ah, iyadoo xulafada reer Galbeedku ay si weyn uga walaacsan yihiin jihada uu u socdo xiriirka Mareykanka iyo Yurub.
Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in fariimahan la kashifay ay meeshii ugu hooseysay gaarsiinayaan kalsoonida ka dhaxaysa hoggaamiyeyaashan.