Muqdisho – Beesha Caalamka, oo ay hormuud ka tahay UNTMIS, ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan madasha wadatashiga qaran iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council).
Bayaan ka soo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in madashan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadal loo dhan yahay, laguna gaari karo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo, daahfuran oo loo dhan yahay, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka dastuuriga ah ee dalka bilaha soo socda.
Beesha Caalamka ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, waxayna ku dhiirrigelisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka dowladda, kana qeyb qaataan wadahadallada qaran.




From the comments