Magaalada Davos ee dalka Switzerland, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku faanay kulan casho-sharaf ah oo uu la qaatay Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, iyo xubno kale oo caalami ah.
Kulankan oo ka dhacay meel ka baxsan shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa Cirro waxa uu ku tilmaamay mid guul u ah xidhiidhka uu maamulkiisu la leeyahay dowladda Israel iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha maamulka Somaliland si gaar ah u xusay in kulankaas uu qayb ka ahaa Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka.




From the comments