Dhalinyaro TikTokers Soomaali ah oo lagu xiray magaalada Nairobi ka dib cabashooyin ka dhashay muuqaallo ay duubeen
Booliska Kenya ayaa xiray koox dhalinyaro Soomaali ah oo caan ka ah barta TikTok, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhibaato iyo cagajugleyn u geysteen dadka isticmaala waddooyinka magaalada Nairobi.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay dadka lugaynaya iyo kuwa baabuurta wata ku dhibayeen waddada General Wariungi ee xaafadda Kariokor, iyagoo ka duubayay muuqaallo ay u isticmaali jireen baraha bulshada.
Booliska saldhigga Pangani oo fuliyay xarigga ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qaadeen ka dib markii ay soo bateen cabashooyinka dadweynaha ee ku aaddan hab-dhaqanka kooxdan.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay sameyn jireen ficillo ay ka mid yihiin inay dadka si lama filaan ah ugu soo boodaan, iyagoo mararka qaar dumar iska dhigaya ama xiran dhar layaab leh, si ay uga naxiyaan dadweynaha.
Muuqaalladaas ayay markii dambe u isticmaali jireen inay ku raadsadaan caannimo iyo “likes” barta TikTok, balse taasi waxay dhalisay cadho weyn iyo walaac xagga amniga ah oo ka dhashay dadweynaha ku nool Nairobi oo dareemay in kooxdan ay halis ku yihiin nabadgelyada guud.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan hadda lagu hayo xarunta baaritaanka, iyadoo la baarayo ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysay ficilladooda iyo haddii ay jiraan kooxo kale oo ku lug leh.
Booliska ayaa sidoo kale uga digay dhalinyarada kale ee isticmaala baraha bulshada inay iska ilaaliyaan falalka liddiga ku ah sharciga iyo anshaxa guud, iyadoo la filayo in kooxdan la horgeeyo cadaaladda marka uu baaritaanku soo dhammaado.