Muqdisho, 24 Janaayo 2026 – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahiyeen qodobada muhiimka ah ee ay doonayaan in ay kala hadlaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kulan la filayo in uu ka dhaco magaalada Muqdisho 1-da Febraayo 2026.
Goluhu wuxuu sheegay in kulankaasi uu daba socdo shirweynihii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Kismaayo intii u dhexeysay 18–20 December 2025, kaas oo lagu gorfeeyey xaaladda guud ee dalka iyo jihada siyaasadeed ee haatan lagu wado.
Qodobada ugu waaweyn ee Goluhu doonayo in ay kala hadlaan Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah:
Ilaalinta Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, iyagoo si cad uga soo horjeestay wax kasta oo aan waafaqsanayn dastuurka.




From the comments