Xildhibaan Ilhan Omar ayaa soo saartay bayaan aad u adag oo ay ku cambaareynayso dil ay sheegtay inay ciidamada socdaalka ee federaalka Mareykanku u geysteen qof kale oo deganaa gobolka Minnesota.
Ilhan waxay falkaas ku tilmaantay mid u muuqda dil bareer ah, iyadoo muujisay inay aad uga naxday kana xun tahay in ciidamada federaalku ay gumaad ku hayaan xubnaha bulshada ee ay ahayd inay ilaaliyaan.
Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in falkani uusan ahayn mid shil ah, balse uu qayb ka yahay hab-dhaqanka maamulka Trump oo ay ku eedaysay inay isku dayayaan inay dadka cabsi geliyaan halkii ay difaaci lahaayeen, iyadoo xustay in maamulkaasi uu ku xad-gudbayo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta iyadoo magaca socdaalka lagu gambanayo.




From the comments