Shirkadaha Duulimaadyada Reer Galbeedka qaarkood oo Hakiyay Safarradoodii Bariga Dhexe sababo Amni awgood
Ugu yaraan laba shirkadood oo waaweyn oo duulimaad oo Yurub ah ayaa hakiyay duulimaadyo ay ku tagayeen magaalooyin ku yaalla Bariga Dhexe, kaddib markii ay sii kordheen walaacyada la xiriira xaaladda amni iyo xiisadda siyaasadeed ee gobolka.
Shirkadda Air France ayaa sheegtay inay si ku-meel-gaar ah u joojinayso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Dubai, iyada oo sabab uga dhigtay xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee hadda ka taagan Bariga Dhexe.
War-saxaafadeed ay baahisay AFP, shirkaddu waxay ku sheegtay inay si joogto ah ula socoto xaaladda amni ee dalalka ay diyaaraddeedu u kala goosho iyo hawada ay dul marto, si loo hubiyo badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha.
Air France ayaa sidoo kale sheegtay in ay si toos ah ula socoto xaaladda, isla markaana ay bixin doonto warar dheeraad ah marka ay wax isbeddel ah dhacaan jadwalka duulimaadyada.
Dhanka kale, shirkadda KLM ee dalka Netherlands ayaa iyaduna shaacisay inay hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv, Dubai, Dammam iyo Riyadh, ilaa amar dambe. Sidoo kale, KLM waxay sheegtay inaysan isticmaalayn hawada sare ee dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Iiraan, Israa’iil iyo dalal kale oo Khaliijka ku yaalla.
Shirkadda KLM ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee hakinta duulimaadyada, balse waxay xaqiijisay inay la xiriirto mas’uuliyiinta dowladda Netherlands, sida uu sheegay warbaahinta qaranka ee NOS.
Go’aannadan ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sheegay in “ciidan badeed weyn” oo Maraykan ah uu ku wajahan yahay Khaliijka, isla markaana Washington ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Iiraan. Inkastoo Trump hoos u dhigay suuragalnimada weerar degdeg ah, haddana wuxuu qiray in diyaargarow militari uu socdo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ku hanjabay weerarro ka dhan ah Iiraan, kaddib kacdoonno iyo mudaharaadyo ka billowday dalkaas.
Inkastoo rajada dagaal ay hoos u dhacday toddobaadkii hore, kaddib markii Aqalka Cad sheegay in Iiraan ay joojisay xukunno dil ah oo loo qorsheeyay mudaharaadayaal, haddana Trump ayaa Khamiistii xaqiijiyay in diyaargarowga militari uu weli socdo.
“Waxaan haysannaa maraakiib badan oo halkaas u socda, si taxaddar ah… waa ciidan weyn oo u dhaqaaqaya dhanka Iiraan,” ayuu yiri Trump.
Xiisaddan sii kordhaysa ayaa si toos ah u saameysay isu socodka hawada, iyadoo shirkadaha duulimaadyadu ay mudnaan siinayaan badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha.