U bood dhigaalka

Pakistan iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis lagu baabi’inayo fiisaha baasaboorka diblamaasiga

Sheeko:War

​Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu baabi’inayo shuruudaha fiisaha ee diblamaasiyiinta labada dal.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan, ayaa oggolaanaya in dadka haysta baasaboorka diblamaasiga ay si xor ah isaga kala gooshi karaan labada waddan iyada oo aan laga doonayn wax fiiso ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii loo fududeyn lahaa iskaashiga diblamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada qaran.

​Munaasabadda saxiixa kadib, Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Ali Zardari ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cali Yuusuf, halkaas oo ay ku wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee labada dhinac.

Madaxweyne Zardari ayaa caddeeyay in Pakistan ay Soomaaliya u aragto saaxiib muhiim ah, isagoo muujiyay rabitaanka dalkiisa ee ku aaddan in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaallanka dembiyada abaabulan iyo maandooriyaha.

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa guul weyn oo loo qaaday dhanka xoojinta galaangalka Pakistan ee qaaradda Afrika iyo dhisidda xiriir qoto dheer oo lala yeesho dowladda Soomaaliya.