U bood dhigaalka

Maraykanku Iiraan ma ka fulin karaa Weerar la Mid ah kii Venezuela?

Militariga Maraykanka ayaa maalmahan danbe si weyn u xoojisay joogitaankiisa Bariga Dhexe, iyadoo halkaas la isugu geeyay awood ciidan oo ballaaran, taasoo sara-u-qaadday walaaca laga qabo in saacad kasta uu dhici karo weerar ama tallaabo toos ah oo lagu ekeeyo Iiraan.

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo milateri ayaa muujinaya in Maraykanku uu gobolka geeyay maraakiib dagaal, diyaarado casri ah iyo ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo lagu sheegay inay u diyaargaroobayaan difaac iyo kahortag hanjabaad kasta oo ka iman karta Iiraan ama kooxaha ay taageerto.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Washington iyo Tehran, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga gobolka iyo faragelinta Iiraan ee dalal dhawr ah.

Isu soo ururinta awooddan milateri ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku aaddan ujeeddada dhabta ah ee Maraykanka, iyadoo qaar ka mid ah falanqeeyayaashu ay qabaan in tani ay ka hordhac u tahay tallaabo ciidan oo suurtagal ah.

Waxaa, sidoo kale, isa soo taraya hadalhaynta ah in Maraykanku qaadi karo tallaabo la mid ah middii uu hore uga qaaday Hoggaamiyihii Venezuela, Nicolas Maduro, taasoo muujisay in wax walba laga filan karo.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro militari iyo xeeldheerayaal amni ayaa tilmaamaya in xaaladda Iiraan ay aad uga duwan tahay tan Venezuela: Iiraan waa quwad goboleed oo leh awood militari, shabakado xulufo iyo kooxo hubaysan oo ku kala sugan dalal dhawr ah oo Bariga Dhexe ah, taasoo ka dhigaysa in tallaabo toos ah oo lagu qaadaayi ay keeni karto dagaal ballaaran oo saamayn ku yeesha gobolka iyo dunidaba.

Dhinaca kale, Iiraan ayaa iyaduna muujisay diyaargarow iyo feejignaan sare, iyadoo marar badan ku celisay in fal kasta oo ka dhan ah ay ka bixin doonto jawaab adag.

Tani waxay sii adkaynaysaa jawiga kacsan ee ka dhex jira labada dhinac, isla markaasna waxay hoos u dhigaysaa rejada laga qabo xal degdeg ah oo diblomaasiyadeed.