Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Caddaysay In Alaabtii WFP Dib loogu Celiyay
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay in dhammaan alaabtii laga saaray bakhaar ku yaallay Dekedda Muqdisho, kuwaas oo saamayn ku yeeshay ballaarinta dekedda, si buuxda dib loogu celiyay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Dawladdu ay qaadatay mas’uuliyadda buuxda ee arrintan, isla markaasna ay ka xun tahay dhacdadii keentay in alaabtaas la raro.
Dawladda ayaa, sidoo kale, sheegtay in si loo hubiyo sii socoshada, amniga iyo kala go’ la’aanta gargaarka bani’aadannimo, WFP la siiyay bakhaar ka weyn kana habboon midkii hore, kaas oo ku yaalla gudaha aagga Dekedda Muqdisho, si loo xoojiyo kaydinta iyo gaarsiinta gargaarka.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay muddo dheer xiriir joogto ah oo dhisme leh la lahayd WFP, gaar ahaan arrimaha hawlgalka iyo saadka, balse ay, sidoo kale, garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqaynta yo isdhaafsiga xogta ee deeqbixiyayaasha caalamiga ah. Sidaas darteed, Dawladda ayaa dib-u-eegis ku samayn doonta duruufihii ku xeernaa dhacdadan, iyadoo qaadi doonta tallaabooyin lagu horumarinayo tubaha isgaarsiinta, si looga hortago in arrimo la mid ah mustaqbalka dhacaan.
Ugu danbayn, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da bani’aadannimada, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana ay qiimeyneyso iskaashiga dhow ee kala dhexeeya WFP, Maraykanka iyo guud ahaan Beesha Caalamka.
Dawladda ayaa sheegtay in caddeyntan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo arrinta lana xaqiijinayo sii socoshada wadashaqaynta taageerada shacabka Soomaaliyeed.