U bood dhigaalka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka Türkiye

Sheeko:War

Muqdisho — Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Mudane Durmuş Ünüvar, Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Türkiye, iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed martigelinta wafdiga Turkiga, isagoo xusay in iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye uu yahay mid qotadheer oo ku dhisan kalsooni iyo walaaltinimo dhab ah.

Wuxuu tilmaamay in xiriirka labada dal uu ku bilowday taageero bini’aadannimo xilli adag oo Soomaaliya ay ku jirtay, isla markaasna maanta uu gaaray heer istiraatiiji ah oo ku fidsan dhawr arrimood oo muhiim ah.

Iskaashiga labada dal, ayuu wasiirku sheegay, wuxuu haatan taabanayaa difaaca iyo amniga, tamarta, iskaashiga dhaqaale, iyo tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan dhinaca dayaxgacmeedka (satellite), taas oo door weyn ka qaadan karta horumarka iyo casriyaynta adeegyada dalka.

Kulamada maanta dhacay ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, horumarinta dekedaha, iyo wadaagga macluumaadka, kuwaas oo wasiirku ku tilmaamay lafdhabarta kobaca dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga, iyo xaqiijinta horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga mahadceliyay Dawladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iyo ballaarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Türkiye.