U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Xeerka Diiwaangelinta Gaadiidka Badda

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si rasmi ah ugu mahadceliyey Golaha Wasiirada ka dib markii ay ansixiyeen Xeernidaamiyaha Diwaangelinta Gaadiidka Badda, kaas oo khuseeya maraakiibta u baahan calanka Soomaaliya iyo doomaha noocyadooda kala duwan.

Xeerkan cusub ayaa qaranka u horseedi doona nidaam sharci oo midaysan oo lagu xakameeyo gaadiidka badda, isagoo xoogga saaraya xaqiijinta badbaadada, kormeer hufan, iyo ilaalinta degaanka badda.

Sidoo kale, wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa ilaalinta sumcadda calanka Soomaaliya, ka-hortagga isticmaalka sharcidarrada ah, iyo u hoggaansanaanta axdiyada caalamiga ah ee badda, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto maamulka iyo horumarinta khayraadka badaha dalka.