Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah oo ay yeesheen Guddiyaasha Wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo guddiyo matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa wadahallada qaran ee ku saabsan arrimaha culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata xasilinta, midnimada iyo hannaanka dowlad-dhiska dalka.
Guddiyada ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa isfahamka guud, loona abuuri lahaa jawi wada-hadal oo ku saleysan kalsooni, wada-tashi iyo is-ixtiraam.




From the comments