Mareykanka oo Ogolaaday Iibinta Hub Casri ah oo Sacuudiga Lagu Gaarsiiyo $9 Bilyan
Mareykanka ayaa ansixiyay in Sacuudiga laga iibiyo hub casri ah oo lagu qiimeeyay $9 bilyan oo dollar, kaas oo ay ku jiraan 730 gantaal oo ka mid ah nidaamka difaaca hawada Patriot iyo qalab dhameystiran oo la xiriira difaaca hawada.
Iibkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee lagu xoojinayo awoodda difaaca hawada ee Sacuudiga, iyadoo la siinayo hub casri ah oo lagula dagaalami karo khataraha cirka ka iman kara, sida gantaalada iyo diyaaradaha weerarka ah.
Heshiiskan waxaa ku jira gantaalo Patriot Advanced Capability-3 (PAC-3 MSE) oo ah kuwo aad u horumarsan iyo qalab kale oo dhameystiran oo taageeraya nidaamka difaaca hawada, sida qalabka tababarka, qaybo beddelka ah, iyo software-ka nidaamka.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iibkan uu qayb ka yahay dadaalka lagu xoojinayo amniga gobolka Bariga Dhexe, isla markaana aan saameyn weyn ku yeelanayn isu dheellitirka milatari ee gobolka.
Go’aanka iibkan waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana loo gudbin doonaa Baarlamaanka si loo dhammeystiro tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah ka hor keenista hubka.

Maryama Isaaq
Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.