U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Yemen oo Xoojiyay Iskaashiga Diblomaasiyadeed Intii Lagu Gudajiray Shirka Wasiirrada Carabta iyo Hindiya

Sheeko:War

Intii uu socday Shirka Wasiiradda Carabta iyo Hindiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan diblomaasiyadeed la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbojoogta ee Jamhuuriyadda Yemen, Ambassador Mustafa Axmed Naaman.

Mudane Cabdisalaam ayaa sheegay in kulankani uu fursad u ahaa labada dhinac si ay uga wada hadlaan xaaladda gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Yemen.

Dhanka kale, Ambassador Mustafa Axmed Naaman ayaa tilmaamay in Yemen ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda wadashaqeynta gobolka iyo taageerada dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha amniga, ganacsiga, iyo horumarinta iskaashiga dalalka soo koraya, iyada oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal mustaqbalka dhow.

Maryama Isaaq

Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.