U bood dhigaalka

Jubbalaan oo Xorriyaddiisa Dib ugu Celisay Senator Ilyaas Beddel Gaboose

Sheeko:War

Maamulka Jubbalaan ayaa si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu celiyay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, ka dib wadahadallo iyo is-afgarad laga gaaray arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii danbe taagnaa.

Qoraal uu Madaxweynaha Jubbalaan, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa lagu sheegay in la isla gartay in danta guud, nabadda iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale.

“Walaaladay Senator Ilyaas Beddel Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka horreeyaan arrin kasta, isla markaasna aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka reer Jubbalaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbalaan.

Axmed-Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Jubbalaan ay diyaar u tahay tanaasul ballaaran, si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa, isla markaasna ay ka go’an tahay in dhammaan khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo waddo nabadeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Jubbalaan ayaa adkeeyay in maamulka uu mudnaan siinayo ilaalinta danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka shacabka Jubbalaan, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wadahadalka iyo isfahanka siyaasadeed.