Maamulka Jubbalaan ayaa si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu celiyay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, ka dib wadahadallo iyo is-afgarad laga gaaray arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii danbe taagnaa.
Qoraal uu Madaxweynaha Jubbalaan, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa lagu sheegay in la isla gartay in danta guud, nabadda iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale.
“Walaaladay Senator Ilyaas Beddel Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka horreeyaan arrin kasta, isla markaasna aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka reer Jubbalaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbalaan.




From the comments