Warsaxaafadeedyo ay soo saareen labada maamul ee Buntilaan iyo Jubbalaan ayaa lagu faahfaahiyay dhacdooyin la xiriira diyaarado siday ciidan oo maanta laga celiyay hawada magaalada Muqdisho.
Maamulgoboleedka Buntilaan wuxuu sheegay in tallaabadan ay halis gelisay nolosha saraakiil iyo ciidan ka tirsan ilaalada Madaxweynaha oo u socday diyaarinta shirka wadatashiga ee lagu ballansan yahay caasimadda.
Maamulgoboleedka Buntilaan wuxuu xusay in iyaga iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay hore u aqbaleen kaqeybgalka gogoshaas, iyadoo guddiyada farsamaduna ay isula meeldhigeen habsami u qabsoomidda shirka ka hor intaysan dhicin dibucelintan.




From the comments