U bood dhigaalka

Puntland iyo Jubbaland oo Warsaxaafadeedyo ka Soosaaray Diyaarado Siday ciidan oo Hawada laga Celiyay

Sheeko:War

Warsaxaafadeedyo ay soo saareen labada maamul ee Buntilaan iyo Jubbalaan ayaa lagu faahfaahiyay dhacdooyin la xiriira diyaarado siday ciidan oo maanta laga celiyay hawada magaalada Muqdisho.

Maamulgoboleedka Buntilaan wuxuu sheegay in tallaabadan ay halis gelisay nolosha saraakiil iyo ciidan ka tirsan ilaalada Madaxweynaha oo u socday diyaarinta shirka wadatashiga ee lagu ballansan yahay caasimadda.

Maamulgoboleedka Buntilaan wuxuu xusay in iyaga iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay hore u aqbaleen kaqeybgalka gogoshaas, iyadoo guddiyada farsamaduna ay isula meeldhigeen habsami u qabsoomidda shirka ka hor intaysan dhicin dibucelintan.

​Dhanka kale, qoraal ka soo baxay maamulka Jubbalaan ayaa lagu caddeeyay in diyaarad sidday wefdi hordhac ah iyo ilaalo gaar ah laga celiyay garoonka Aadan-Cadde, iyadoo lagu amray inay dib ugu laabato magaalada Kismaayo xilli ay hawada ku jirtay.

Jubbalaan waxay tilmaantay in duullimaadkan uu hore u haystay oggolaanshaha Hay’adda Duulista Rayidka iyo laamaha amniga, balse isbeddelka ku yimid uu saamayn ku yeeshay habsami u socodka diyaargarowga shirka.

Labada maamulba waxay sheegeen inay weli ka go’antahay raadinta xal waara, inkastoo ay walaac ka muujiyeen in dhacdooyinkan ay caqabad ku noqon karaan jawiga wadahadalka.