Suuradxumaynta Caasimadda iyo Safarka Madaxda Dawladgoboleedyada: Ujeedka Ciidamada Hordhaca ah.
Muqdisho (Goobjoog News) — Iyadoo la sugayo imaatinka madaxda Dawladgoboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee magaalada Muqdisho, waxaa soo baxay iskudayo caasimadda loogu soo rarayo ciidamo aad u hubaysan oo hordhac u ah madaxdaas. Tallaabadaas ayaa keentay in Dawladda Federaalku ay hawada ka celiso diyaaraddii sidday askartan.
Tallaabadan, oo ah “Hubka laga soo hormariyay Hoggaanka,” ma ahan kaliya taxaddar amni, balse waxaa loo arkaa farriin siyaasadeed oo qorshaysan. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in shaki la geliyo amniga caasimadda, lana muujiyo in Muqdisho aysan ahayn meel laysku hallayn karo oo madaxdu ay nabad ku imaan karaan iyagoon wadan ciidan aad u hubaysan.
Iskudayga lagu soo dhoobayo askar ku hubaysan hub culus Muqdisho ka hor imaatinka madaxda, waa “dhoolatus siyaasadeed” si dadban loogu durayo awoodda Dawladda Federaalka ah ee sugidda amniga. Falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in ficilkani uu yahay mid lagu “bahdilayo” sumcadda magaalada, iyadoo la bixinayo sawir ah in Muqdisho ay tahay furin dagaal (war zone) oo aan lagu badbaadi karin ilaa aad wadato ciidamo gaashaman. Waa istiraatiijiyad lagu wiiqayo kalsoonida lagu qabo hay’adaha amniga qaranka, laguna xoojinayo doodda ah in Dawladda Dhexe aysan maamuli karin amniga dalka.
Ugu danbayntii, jawigan ciidan ee lagu soo dhowaynayo wadahadallada siyaasadeed ayaa abuuraya xaalad tuhun iyo is-aamin la’aan ah ka hor inta uu shirku furmin. Haddii gogolxaarka shirku noqday in hub culus lala soo galo caasimadda, waxay ka dhigan tahay in tagida miiska wadahadalkana ka sii fogaato, taas oo mugdi gelinaysa rajada laga qabo in xal waara laga gaaro khilaafka ragaadiyay dalka.
Goobjoog News