U bood dhigaalka

UNTMIS oo ka Walaacsan Maqnaanshaha Wefdiga Buntilaan iyo Jubbalaan ee Shirka Wadatashiga Qaran

Hawlgalla Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa muujiyay walaac ku aaddan in kooxaha hordhaca ah (advance teams) ee maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka baaqdeen ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaran ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho, sababo la xiriira oggolaanshooyin farsamo oo aan la bixin.

UNTMIS ayaa dhammaan dhinacyada ku boorrisay in ay mudnaan siiyaan shirka wadahadalka ee horay loogu heshiiyay, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee masiiriga ah, xilli ay soo dhowdahay dhammaadka muddaxileedyada dastuuriga ah.

Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dhammaystiro hawlaha diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi ku habboon qabsoomidda shirka iyo in heshiis laga gaaro arrimaha taagan.

UNTMIS ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay wadahadal loo dhan yahay si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.