U bood dhigaalka

Doomaha Hubaysan oo Isku Dayay inay Markab ku Joojiyaan Marinka Strait of Hormuz

Sheeko:War

Waxaa maanta marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz ka dhacday dhacdo amni oo walaac dhalisay ka dib markii doonyo hubaysan ay isku dayeen inay dhexda u galaan markab marayay aaggaas.

Sida ay sheegtay hay’adda UKMTO ee fadhigeedu yahay dalka Britain, dhacdadan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xeebaha dalka Cumaan, gaar ahaan marinka maraakiibtu ay u maraan dhanka gudaha.

Doonyaha weerarka isku dayay ayaa dhowr jeer isku dayay inay raadiya kula xiriiraan markabka iyagoo ka dalbanaya inuu istaago, balse markabka ayaa diiday codsiyadaas, isagoo si caadi ah u sii watay socdaalkiisa ilaa uu ka baxay aagga khatarta ah.

​Dhinaca kale, dowladda Iiraan ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in markabkaas uu si sharci darro ah ku soo galay biyahooda, taasna ay keentay inay digniin siiyaan.

Saraakiil u hadlay Iiraan ayaa xaqiijiyay in markabku uu goobta ka baxay ka dib markii loo digay, iyagoo xusay inaysan jirin wax iska horimaad ah ama dhibaato amni oo weyn oo halkaas ka dhalatay.

Marinkan ayaa ah mid aad xasaasi u ah maadaama ay maraan inta badan shidaalka laga dhoofiyo dalalka Khaliijka, waxaana horay uga dhacay dhacdooyin kan la mid ah oo salka ku haya loolanka u dhexeeya Iiraan iyo quwadaha reer galbeedka.