Waxaa maanta marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz ka dhacday dhacdo amni oo walaac dhalisay ka dib markii doonyo hubaysan ay isku dayeen inay dhexda u galaan markab marayay aaggaas.
Sida ay sheegtay hay’adda UKMTO ee fadhigeedu yahay dalka Britain, dhacdadan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xeebaha dalka Cumaan, gaar ahaan marinka maraakiibtu ay u maraan dhanka gudaha.
Doonyaha weerarka isku dayay ayaa dhowr jeer isku dayay inay raadiya kula xiriiraan markabka iyagoo ka dalbanaya inuu istaago, balse markabka ayaa diiday codsiyadaas, isagoo si caadi ah u sii watay socdaalkiisa ilaa uu ka baxay aagga khatarta ah.




From the comments